Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ku qaabilay xarunta Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo iminka ku sugan halkaas.
Wararku waxay sheegayaan inay ka wada hadleen arrimaha gobolka siiba xaalka degaanka SSC-Khaatumo oo dagaal muddo siddeed bilood ah ku dhexmaray maamulka Somaliland.
Warbaahinta RTD ma sheegin inay kulmeen Mudane Geelle Iyo Firdhiye. Warar hoose oo aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid hordhac ah oo lagu abuurayey kalsoon.
Dadka degaanka SSC -Khaatumo ayaa hore u sheegay in dowladda Jabuuti ay taageero hub Iyo gaadiid ah ugu deeqay ciidanka Somaliland, balse waa lagu jabiyey maamulka Somaliland dhulkaas 25 august 2023.
SIdoo kale Mudane Firdhiye wuxuu la kulmay madaxda Ururka IGAD oo xaruntoodu tahay magaalada Jabuuti. Kulankaas IGAD iyo SSC-Khaartumo waxaa toos looga hadlay maxaabiista Somaliland ee lagu hayo magaalada Laas Caanood.
Guddoomiyaha ururka IGAD Workneh Gebeyehu oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ayaa ka baaqsaday kulankaas. Itoobiya ayaa is-afgarad la gashay maamulka Somaliland 1 jan 2024.