Somaliland waxay ku socotaa wado mugdi ah oo aan laheyn jiho toosan oo si fudud looga bixi karo. Waxaa iska cad in maamulkaasi wajihi doona hubanti la’aan xitaa haddii Muuse Bixi looga adkaado doorashadda dhammaadka sannadka.
Xisbiga Waddani oo maanta ugu cad cad inay doorashadda ku guulaystaan, ma laha aragti aan ka aheyn in Muuse Biixi uu kursiga u banneeyo Cabdiraxmaan Cirro oo Garxajis ah balse way adag tahay in ay Somaliland si fudud u xukumaan iyadoo dhulkii iyo dadkii ay kala qaybsan yihiin.
Qofkasta wuxuu jeclaan lahaa inuu ogaado fikirka Cirro ka qabo damaca Itoobiya ee badda Cas siiba xeebaha gobolka Awdal.
Waxaan akhristay qoraal uu ku qoray Cabdiraxmaan Cirro X (Twitter) 25august 2024 oo sannad ka soo wareegay markii ciidanka Somaliland xoog looga saaray oo lagu jabiyey dagaal dhowr bilood ka socday gudaha Laas Caanood.
Cabdiraxmaan Cirro waa inuu kala doortaa labo wado oo ay ku kala qoran yihiin summado run iyo been kala qeexaya;
Haddu rabo Somaliland riyo ah oo uu ka gado shacabka doonaya gooni istaag ama Jamhuuriyadda Somaliland, waa inuu dadkaas jahawareer ku sii wado ilaa uu qaado jidkii Muuse.
Haddu rabo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo caqli ku fadhida oo soomaali u siman tahay, waa inuu runta u sheegaa marka hore dadka badan ee gooni istaag raba oo wixii 33 sanno loo sheegayey ay aheyd wax aan soomaali raalli ka aheyn.
Maxay tahay dhibtu?
Somaliland waa magac uun maanta. Dadkuna waxay u kala fadhiyaan xisbiyo qabiil ku dhisan iyo qabaa’il aan laheyn odayaal loo soo fariisan karo haddii talo faraha ka baxdo oo wanaag iyo xikmad aan laga fili karin inay Somaliland u horseedaan.
Odayaasha dhaqanka ee Somaliland waxay talo ka hoos dustay markii uu Muuse Biixi dagaal u horseeaday dhul nabad ahaa. Waxaase yabka yabkiisa ahaa in dagaalkaa lagu burburiyo ciidankii Somaliland oo muddo badan Soomaali iyo beesha caalamka ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka iyo burburka ka socday magaalada Laas Caanood in ka badan siddeed bilood sannadkii hore.
Muuse Biixi waa nin askari ah oo wuxuu rabo la ogyahay, waxaa u tisqaaday oraah lagu xasuusto oo aheyn ” Aniga oo dad dili kara duco qaadan maayo”. Waa dhab oo waa manaxe wixii u dili karo waa dili. Oraahdaas hadda kama socoto meesha la yiraahdo Gooja-cadde oo afkii baa juqda gabay.
Runtii waa caddeyd in Muuse Biixi dagaal iyo xoog Laas Caanood ku xukumi karin degaankaas oo taageero ka haysta Puntland iyo guud ahaan dhulka soomaalidu tegto.
Musharrax xisbiga Waddani, Cabdirxmaan Cirro waa arkaa in wakhtigu ku xun yahay oo talo faraha ka baxday oo uu san wax Somaliland la yiraahdo la hortagi karin SSC-Khaatumo. Sidoo kale Cirro oo madaxweyne noqda waa ku adkaan doontaa haddii SSC -Khaatumo ka dalbato in gacanta loo soo galiyo Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Nuux Taani oo saddexduba qabiilka meel la fadhiya.
Haddii doorasho ka dhacdo bisha nov sannadkaan dhulka Somaliland ka taliso waxaa la fili karaa in Muuse Biixi ku shuban karo doorashadda, oo markaa damaca xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro uu meesha ka baxo oo la galo dagaal sokeeye oo hor leh.