Itoobiya oo cadaadis lama filaan ah la kulmaysa inta aan la gaarin wareega saddexaad wadahadalka Ankara bishan 17keed uu ku dhexmari doona Somalia oo ay isku hayaan MoU ku xadgudbaysa madaxbannaanida dhuleed Somalia.
Dalka Jabuuti oo xiriir dhow la leh Itoobiya iyo Somalia ayaa sheegatay inay siin doonto isticmaalka dekedda Tojora si loo dhimo khilaafka ka aloosan geeska Afrika.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay hayso dhibaato gudaha dalkiisa oo u dhexeeya qowmiyado ku wada nool dal aan la saadaalin karin halka uu socdo.
Ma cadda wax Jabuuti u ballan qaadi doonto Itoobiya, waxaase muuqata in Itoobiya ku farxi doonin inay heshiis toos ah la gasho Jabuuti oo hadda 90% wax uga dhoofaan ugana soo degaan. Jabuuti oo dal yar oo ku laalaya gacanka cadmeed, waxaaa ku sugan oo saldhigyo ciidan ku leh dhammaan quwadaha waa weyn ee dunida.
BULHANGROUP waxay warisay 13-kii Agoosto in wareegii labaad ee wadahadalada u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay Ankara uu ku dhammaaday natiijo la’aan. Waxaa sidoo kale soo baxay in Jabuuti iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay saameyn weyn ku leeyihiin wadahadalada uu Turkigu martigeliyay.
Jamhuuriyadda Jabuuti waxay la safan tahay Soomaaliya, halka Isutagga Imaaraadka Carabtu uu la safan yahay Itoobiya. Sidoo kale, waxaa jira muran u dhexeeya DP World iyo Jabuuti oo ku saabsan dekedda Jabuuti.
Itoobiya waxay dooneysaa deked iyo saldhig ciidan oo ay iyadu iska leedahay oo ku yaal xeebaha Somaliland oo sheegtay inay ka go’een Somalia 1991.
Dunida iyo dadka gobolka waxay dhagaha ku hayaan jawaabta Itoobiya ka bixin doonto dalabka Jabuuti ee isticmaalka dekedda Tojora.
Waa arrin khatar ku leh gobolka oo dhan. Wakhtiga ayaa sheegi doona balse waxay ku xiran tahay in Itoobiya ka noqoto heshiiskii isafgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.
Somalia waxay haysataa fursad siyaasadeed ay la tagto Ankara, Turkiga oo ah raac shuruucda caalamiga ah ee xeerarka badda .
Somalia iyo Itoobiya waa deris aan waligood isku kalsooneyn oo dagaal iyo burbur u dhexeeyo. Dadka ku nool labada dal waa kuwo u nugul in colaad iyo xumo ka dhex kacdo markii ay jiraan xiisado maamul ama kuwo qowmiyado ku salaysan.