Waxaa maanta la isku mari waayey wadahadalo la doonayey in la isku soo dhoweeyo dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo wareegii labaad ku kulmay xarunta dalka Turkiga ee Ankara.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo u kala dabqaadayey wasiiradda dibadda labada dal ee deriska ah, ayaa ku guulaysan waayey inay fool ka fool u wadahadlaan.
Itoobiya ayaa doonaysa inay dekedda cusub ka hesho Somaliland oo u dhow marin badeedka gacanka Cadmeed.
Soomaaliya waxay doonaysaa in Itoobiya isticmaasho dekedda Berbera oo ay gacanta ku hayso shirkadda DP World ee Imaaradka Carabta. Itoobiyase ma doonayso inay hoos tagto DP World.
Wararku waxay sheegayaan in Soomaaliya doonayso oo kale in Itoobiya deked cusub ka dhisato bartamaha Soomaaliya.
Soomaaliya waxay ku doonaysaa in dowladda Soomaaliya leedahay bixinta dekedaha Soomaaliya iyo in Itoobiya ka noqoto heshiiskii is afgaradka ee ay la gashay maamulka Somaliland oo sheegta inay ka go’een Soomaaliya 1991.
Dalka Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka Soomaaliya ayaa muddo ka dhex waday Addis Ababa iyo Mogadishu sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal ee deriska oo u dhexeeyey muran ka dhashay is afgarad dhexmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Turkigu wuxuu ku adkaysanayaa danihiisa dhaqaale iyo ciidan ee uu ku leeyahay geeska afrika oo ah degaan muhiim u ah ganacsiga dunida.
Dowladda Soomaaliya ayaa u oggolaan doonta Itoobiya inay isticmaasho dekedda magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya. Waxaana jira natiijo buuxda oo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Fidan kala kulmay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu August 3dii kula kulmay magaalada Addis Ababa in Soomaaliya u oggoshahay Itoobiya isticmaalka dekedda Berbera.
Wararka ka imaanaya magaalada Hageysa ayaa tilmaamaya in maamulka Somaliland ee Muuse Biixi ay hor taal dhibaato weyn oo ah doorasho ka dhici doonta Somaliland iyo Itoobiya oo la xaali doonta maamulka Mogadishu.