Itoobiya ayaa ka heli doonta deked Soomaaliya marka ay dhowaan ku kulmaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya xarunta dalka Turkiga Ankara.
Dalka Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka Soomaaliya ayaa muddo ka dhex waday Addis Ababa iyo Mogadishu sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal ee deriska oo u dhexeeyey muran ka dhashay is afgarad dhexmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la gaaray heshiis in Itoobiya hesho deked ku taal Soomaaliya siiba magaalada Berbera ee Somaliland, halka Itoobiya ka laaban doonto heshiiskii isfagaradka ee hore ula gashay maamulka Somaliland bishii Jan 1dii 2024.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo shalay ka hadlaayey magaalada Istanbul ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku kulmi doonaa wareegii labaad magaalada Ankara. Wararku waxay sheegay in kulankaasi uu noqon doono mid ka fool fool la isku horfariisto oo Turkigu uu goobjoog ka noqon doono.
Turkigu wuxuu ku adkaysanayaa danihiisa dhaqaale iyo ciidan ee uu ku leeyahay geeska afrika oo ah degaan muhiim u ah ganacsiga dunida.
Dowladda Soomaaliya ayaa u oggolaan doonta Itoobiya inay isticmaasho dekedda magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya. Waxaana jira natiijo buuxda oo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Fidan kala kulmay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu August 3dii kula kulmay magaalada Addis Ababa in Soomaaliya u oggoshahay Itoobiya isticmaalka dekedda Berbera.
Wararka ka imaanaya magaalada Hageysa ayaa tilmaamaya in maamulka Somaliland ee Muuse Biixi ay hor taal dhibaato weyn oo ah doorasho ka dhici doonta Somaliland iyo Itoobiya oo la xaali doonta maamulka Mogadishu.