Ku dhowaad 2000 oo carruur da’doodu ka yar tahay shan sanno ayaa u dhimanaya maalin kasta hawada wasakhowda oo keento nadaafada xumo iyo yaraanta biyo nadiif ah. Wasakhowga hawadu wuxuu noqday dhibka ugu weyn ee caafimaad ee haysta dhallaanka dunida.
In ka badan 8 malyuun oo carruur iyo dadka waa weyn ayaa u dhintay wasakhowga hawada 2021 sida lagu sheegay cilmi baaris ka soo baxday machadka saameynta caafimaad (HEI).
Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in hawada wasakhaysan ay noqotay heerka labaad ee dhimashada dunida kadib isticmaalka tubaakada.
Tijaabo dhiig iyadoo la isticmaalaayo Caqliga Macmalka (AI)
Warar kale ee caafimaadka, waa sheegaya in tijaabo dhiig iyadoo la isticmaalaayo Caqliga Macmalka (AI) lagu oggaan karo 7 sanno ka hor caamadaha hore ee cudurka loo yaqaan Parkinson.
Parkinson waxaa dhaliya barotiin loo yaqaan alph-synuclein oo wax yeesha ama burburisa unugyada nerfayaasha oo soo saara maado muhiim ah oo loo yaqaan dopamine oo qayb ka ha maskaxda.
Parkinson waa cudur ku dhac neerhayaasha oo aad ugu fidaya dunida waxaa lagu qiyaasaa in 10 malyuun oo qof ah uu hayo dunida dhan.
Prof Kevin Millis, oo ah qoraaga cilmi baarista Jaamacadda UCLA, Maraykana ayaa sheegay tijaabadda ay hoos u dhigi karto waxyeeladda Parkinson oo aan daawo laheyn maanta.