Marwo Fowsiya Yusuf Aadan ayaa ka sheegay inaysan ka tanaasuli doonin tartanka kursiga guddoomiyaha ururka midowga Afrika.
Fowsiya oo ku qabtay shir jaraa’iid maalintii khamiista xarunta Soomaaliya ee Mogadishu, ayaa sheegtay in hogaanka sare ay ka codsadeen inay ka harto tartanka ay Soomaaliya ku matelayso ee hogaanka ururka midowga Afrika. Sababta oo ah in madaxweynaha Jabuuti doonayo in wasiirkiisa arrimaha dibadda uu tartami doono kursigaas.
Marwo Fowsiya waxay sheegtay in markii labaad madaxweyn Xasan Shiikh Maxamuud doonayo inuu ka reebo tartanka ay muddo dheer ay u soo gashay oo ay taageeri fiican ka heshay dowlado badan.
Waxay hore u soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeen.