Heshiiska isafgaradka (MOU)
Heshiiska isafgaradka (MOU) ee u dhexeeya Itoobiya oo aan lahayn badda iyo Somaliland oo goonni isku taagtay, lama faafin si toos ah. Waxaase la hubaa oo qura damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ee bad cas. Itoobiya waxay rabtaa isticmaalka dekedda Berbera ee Somaliland iyo saldhig ciidan oo ay ku yeelato Lughaya ee gobolka Awdal.
Heshiiskan isafgarad wuxuu qeyb ka yahay dadaallo lagu horumarinayo ganacsiga iyo awoodda ciidan ee Itoobiya iyo Somaliland oo rabta aqoonsi ay ka hesho Itoobiya. Waa kuwaan qodobbada muhiimka ah
Dekedda Berbera iyo Lughaya:
Isafgaradka-MOU wuxuu u oggolaanayaa Itoobiya inay isticmaasho dekedda Berbera ee Somaliland iyo saldhig ciidan ee LUGHAYA, Awadal si ay u soo dejiso iyo u dhoofiso badeecadaha, taasoo siinaysa marin kale oo badeed oo caalami ah oo ku dhaca gacanka Cadameed ee bad cas.
Iskaashiga Dhaqaale:
Isafgaradka-MOU wuxuu ujeedadiisu tahay in la xoojiyo dhaqaalaha ee Itoobiya. Wax weyn oo la qiyaasi karo oo Somaliland dhanka dhaqaalaha ugu jiraa ma jiro.
Heshiiska waxaa ku jira horumarinta kaabayaasha si loo helo wadooyinka si loo fududeeyo gaadiidka badeecadaha u kala socda Itoobiya iyo Somaliland.
Xasilloonida Gobolka:
Isafgaradka-MOU wuxuu horseedi karaa colaad iyo barakac haddii xiisaddu ballaarato.