Hogaamiyaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda Mr Josep Borrell oo dhowaan booqday Jabuuti ayaa walaac ka muujiyey dhaqaalaha dalka iyo waliba amniga geeska afrika.
Dhaqaalaha Jabuuti wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay dekedda magaalada Jabuuti oo ka dhigan 60% dhaqaalaha guud ee dalka Si kastaba ha ahaatee, arrintaan waxaa si weyn u saameeyey xiisadaha gobolka iyo hoos u dhaca gaadiidka badda ee Badda Cas: Wuxuu sheegay Mr Borrel in dakhliga dekedda hoos u dhacay qiyaastii 60%. Xaalka dhaqaalaha Jabuuti waa mid aad u xun.
Wuxuu intaa ku daray in deymaha dibadda oo aad u badan ah 70% dhaqaalaha guud ee dalka, deymahaas badankooda waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti waxay halis ugu jirtaa inay dhaqso u noqoto mid aan bixin karin deymaha haddii gaadiidka badda uusan si dhaqso leh u soo kaban.
Wuxuu sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, iyada oo ay jiraan duruufaha adag ee noocaas ah. Waxaan u mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen maraakiibta howlgalka Aspides ka dib kuwii Atalanta, si aan ugala hadlo xaaladda halista ah ee Geeska Afrika iyo inaan u xaqiijiyo taageerada buuxda ee Midowga Yurub ee xilligan adag ee Jabuuti iyo gobolka.
Jabuuti sidoo kale waxay haatan guddoominaysaa Urur-Goboleedka Horumarinta (IGAD), oo ah urur goboleed ay ka tirsan yihiin Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Suudaan (Suudaan waxay dhowaan hakisay ka qaybgalkeeda IGAD). Waxaan la kulmay Xoghayaha Fulinta, Workneh Gebeyehu, si aan ugala hadlo dhibaatooyinka waaweyn ee gobolka soo food saaray, ayuu sheegay Josep Borrel.