Waxaa dhowaan ka dhacay magaalada Oslo, Norway 11-06-2024. dedaal lagu jiro in xal loo helo arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa al Shabaab oo inta badan ka talisa koonfurta iyo bartamaha dalka. Sidoo kale waxaa jiraa damac toos ah oo Itoobiya ku doonayso inay kula wareegto badda Soomaaliya siiba dhulka maamulka la baxay Somaliland oo ku rajo weyn inay aqoonsi ka helaan dalka Itoobiya.
Waxaa lagu qabtay dood lagu lafa gurayey arrimaha dhexdhexaadinta guud oo door weyn ku leeyihiin Norway iyo Qadar.
Doodda waxay hadal u qaybinaysa Lyse Doucet Madaxa wariyaha caalamiga, BBC
Lyse Doucet; Madaxweyne Xasan, dad badan ee jooga halkaan waxay jeclaan la hayeen inay caawiyaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Laakiin aan ku bilowno, waxaad sheegtay sannadkii hore. Waxaad tiri wada hadallada lala yeelanaayo al-Shabaab ayaa noqon doona qorshahaaga ugu muhiimsan. Laakiin inta wakhtigaas laga gaarayo, waad dagaalami doontaa. Waxaad dhawaan sheegtay in aad aaminsan tahay in ciidan ahaan looga adkaan karto.
Ma jirtaa wax miiskaaga saaran, mase dhab ahaan u eegto xaaladaha suurtogalka ah ee lagu bilaabi karo si tartiib tartiib ah wada-hadallo siyaasadeed oo lala yeesho al-Shabaab?
Xasan Shiikh: Liz, aad ayaad ugu mahadsan tahay su’aashaan. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dadka iyo dowladda Norway oo nagu soo dhaweysay Oslo forum.
Sida saxda ah ee u sheegtay, marka qofku ka hadlaayo wada hadal, waxaad ka hadlaysaa dhinacyo, ma aha hal dhinac ama hal daneeye oo keliya. Wada hadal ayaa suurtagal ah marka dhinacyada ay khuseyso ay u diyaar yihiin.
Haddii hal dhinac oo kaliya uu u diyaar yahay wada hadalka oo dhinaca kale uusan diyaar u ahayn, markaas way adkaan doontaa wada hadalka. Kadibna waa inaad dib ugu laabataa oo aad ku qancisaa.
Lyse: Marka waa kee dhinaca diyaar ah, keese aan aheyn diyaar?
Xasan Shiikh: Soomaaliya mar walba waa diyaar. Dowladdayda iyo dadka Soomaaliyeed, mar walba waxay diyaar u yihiin wadahadal, nabadna la galaan al-Shabaab.
Laakiin nasiib darro, ajandaha al-Shabaab waa mid naga baxsan. Ma aha arrin qaran, ma aha arrin gudaha ah. Waxay leeyihiin ajande caalami ah. Waana arrin caalami ah. Sidaa darteed ma arkaan dowladda Soomaaliyeed inay tahay dowlad.
Laakiin waxaan siinay cafis si isdaba joog ah kuwa Soomaalida ah. Al-Shabaab ma aha Soomaali qura sababtoo ah waa ajande caalami ah. Waxaa ku lug leh dad badan oo ajnabi ah. Waxaa jira qaar ka mid ah ajnabigaas oo ka yimid dalalka deriska ah, qaarna meelo aad uga fog bay ka yimeen dunida.
Lyse:Waxaan ka hadleynaa xiriirka ay la leeyihiin al-Qaacida caalamiga?
Xasan Shiikh: Haa. Haa.. Al- Shabaab waa laan ka tirsan al-Qaacida. taasna waa la yaqaan. Marka waa in aan isku daynaa in aan ku qancino inay aqbalaan in tani tahay dhibaato Soomaaliyeed. haddaba dadka Soomaaliyeed kuma xallin karaan dhibaato caalami ah gudaha Soomaaliya. Waa dhibaato caalami ah, islaamka iyo wixii kale ee jira. Waxaa jira meelo kale oo looga hadlo arrimahaas ee ma aha gudaha Soomaaliya. Ilaa iyo inta al Shabaab aysan u soo noqonin dhibta gudaha, markaas fursada wada-hadalka iyo dhexdhexaadintu way adkaan doontaa. Waxaan isku dayi in aan isticmaalno dariiq kasta oo suurtagal ah, ha ahaato ururrada caalamiga ah ama dalalka daneeya arrimaha caalamka ama kuwa nagala dhexeeyo xiriir labo geesood ah, si aan u qancino haddii ay suurtagal tahay inay aqbalaan in tani tahay dhibaato gudaha ah oo aan ka wada hadli karno.
Waxaan siinay cafis, waxaana ka soo goostay dad badan oo al-Shabaab ahaa oo fahmay dhibta. Waa waqti dheer 17 sanno.
Waxay ku soo noqdeen Soomaaliya. Qaar ka mid ah asaasayaashii al-Shabaab oo markii dambe ku qancay in tani aanay suurtagal ahayn oo ku soo noqday Soomaaliya, haddana waxay ka hayaan jagooyin sare oo dowladda ka tirsan, xitaa jago wasiir. Qaar kale oo ka mid ahaa saraakiishooda ayaa soo noqday ayaa hadda qayb ka ah hay’adaha amniga ee Soomaaliya. Kuwaas oo diiday mabaadi’da al-Qaacida iyo al-Shabaab, waxayna cafis weydiisteen dadka Soomaaliyeed wixii ay geysteen. Hadda waxay qayb ka yihiin geeddi socodka arrimaha Soomaaliya.
Tan iyo haddeer, waxaan aaminsanahay in dhammaadka ciyaarta ee al-Shabaab uu yahay wada hadal.
Goorma ayay diyaar yihiin? Annagu diyaar baan ahayn shalay iyo dorraadba. Laakiin waxaan sugaynaa weli inay diyaar noqdaan. Marka ay diyaar noqdaan, waan wada hadli doonaa. Wada hadalkaasi wuxuu qaadan karaa muddo, wuxuuna abuuri doonaa rajo cusub. Balse maanta oo aan fadhino Oslo kama hayno al-Shabaab war ka yimi.
Lyse: Labadiinuba si adag ayaad u dagaalameysaan, goobta dagaalkuna marba dhinac ayey u socotaa. Laakiin aragtida aad noo bidhaamisay waa in aan la diidaneyn. Sida dad badan oo halkan jooga og yihiin, cidda aad la hadli karto, sida aan maanta sheegnay, ma waxaad la hadleysaa kooxo loo aqoonsaday ururro argagixiso, al-Shabaab waxay ku jirtaa liiska argagixisada ee Maraykanka. Dalalka qaarkood waxay dhib ku arkaan taas. Waxa aan la socdaa in si qarsoodi ah xubno ka tirsan Qaramada Midoobay xitaa la hadleen al-Shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay, in kasta oo aanay kuu sheegin waqtigaas iyaga oo aan oggolaansho ka haysan. Maadaama dad badan oo ku sugan halkaan (Oslo) oo ay ku lug leh wada hadalo noocaas oo kale, maxaad ku leedahay? Ma fiirineysaa diblomaasiyad wado labaad sida xiriir qarsoodi ah? Ma rabtaa in dadku ay bilaabaan inay la hadlaan al-Shabaab oo ay arkaan haddii ay suurtagal tahay? Maxaad ku leedahay saaxiibadaadda halkaan?
Xasan Shiikh: Hagaag, hal wax ayaa dhammaan dhexdhexaadiyaasha ku lug leh dhibta al-Shabaab, argagixisada iyo kuwa aan dowliga ahayn, waxaa loo baahanahay in al-Shabaab caddeeyaan ama muujiyaan in laga helo isbeddel dabci. Haddii aysan jirin isbeddel dabci, markaas way adkaan doontaa in dhexdhexaadiyaasha caalamiga ah ama ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay oo mar walba u taagan danta guud ee bini’aadamka. Argagixisadu waxay khatar ku tahay bini’aadamka, waayo waxay diidaan xuquuqda aadanaha guud ahaan. Marka waxa aan halkan ku hayno, waxaan leeyahay waa in al-Shabaab beddelaan dabcigooda Cid kasta oo ku qancin karta al-Shabaab inay beddelaan dhaqankooda, waxaan u maleyn inay tallaabadaas sameeyn doonaan. Runtii, waxaan isku daynay.
Dawlad ahaan oo aan wakiil ka nahay dadka Soomaaliyeed, waa waajibkeenna inay u noolaadaan sida inta kale ee dunidu u nooshahay.
17 sanno iska daa adeeg kale oo dhan. Waxaan booqday degmo fog oo dhowaan la xorreeyey, waa deegaan fog oo miyiga ah, dadku ma haystaan dugsi, caafimaad iyo wax kale, waxay ka cabanayaa in al-Shabaab xitaa ay xirtay dugsiyadii Quraanka.
Nin oday ah ayaa yiri: “Ma hayno wiil yar oo Qur’aan ka bartay degmadaan tobankii sanno ee la soo dhaafay, iskaba daa wax kale.” Marka dadkaan, waxaa laga qaaday xuquuqdii saxda ahayd ee ay lahaayeen. Marka dawladdu ma hayso wax xulasho ah marka laga reebo inay inay siiso dadkaas xuquuqdooda oo ay ku soo celiyaan xaalad caadi ah. Waxaan ka bilownay dhowr kiiloomitir oo xarunta Muqdisho ah, hadda waxaan joognaa meel 800 ilaa 900 kiiloomitir ah. Taasi waa xaalad qancinaysa in al-Shabaab aysan ku guuleysan karin isticmaalka xeeladdaha argagaxa.
Damaca Itoobiy ee badda Soomaaliya
Lyse: Waxay u baahan yihiin inay u dhaqaaqaan jiho kale. Ka hor inta aan su’aalaha furan, Madaxweyne, dhoolla-caddayntaada, dhibaatooyin adiga ma ah oo qura, laakiin dalal badan oo hadda raadinaya dariiq ay uga baxaan fowdada iyo qalalaasaha, waxaa jira oo kale dad badan oo dano badan ka leh mustaqbalkaaga. Ma rabtaa inaad talo ka siiso saaxiibada qaaliga ah ee Oslo maanta kula jooga?
Xasan Shiikh: Waxaad u sheegtay si sax ah, marka ay dhinacyo badan maareynta ay ku lug leeyihiin waa xaalad aad u adag. Gaar ahaan marka dhinacyadaas ay yihiin kuwo kala duwan. Qaarkood waa hay’ado, kuwa waa dalal khaas ah ama dad gaar ah iyo kuwa caalami ah. Gudaha sidoo kale waxaa ka jira dhibaatooyin u gaar ah.
Qofka aan rabo inaan la wadaago dhibaatooyinka Soomaaliya maanta soo wajahay. Tusaale ahaan, waxaa jira dal aan deris nahay oo la yiraahdo Itoobiya, oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya, in ka badan 1,700 kiiloomitir, waa dal aan bad laheyn muddo dheer iyo dad ka badan 100 malyuun oo qof dalkaas.
Sida taariikh ahaan, labo dal oo deris ah yihiin, waxaa soo maray taariikh adag oo 600 sano soo jirtay oo ku saabsan dagaal diimeed iyo waxyaabo kale. Taasi waxay dhammaatay markii dowladihii Itoobiya iyo Soomaaliya ay burbureen 1990.
Laga bilaabo wakhtigaas, waxaan bilownay annaga (Soomaaliya) oo aaminsan in boggaas taariikhdii hore la rogay, waxayna bog cusub u furtay Soomaaliya iyo Itoobiy. Balse nasiib darro, taasi ma ahayn sidaas. Itoobiya waa qayb ka mid ah Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Marka ciidamada Itoobiya waxay ku sugan yihiin Soomaaliya iyagoo nabad-ilaaliyaal ah ama nabad-dhaliyaal ah.
Annagoo laba geesood ah, waxaan ku heshiinay in Itoobiya taageerto amniga Soomaaliya, waxayna soo direen ciidamo xiriir laba geesood ah.
Waxaan kala saxiixnay heshiis amniga, difaaca iyo waxyaalo kale taariikhdu maray aheyd 23-kii Disembar, 2023. Waxaan gaarnay heerka kalsoonida labada dal.
Kadib 23-kii Disembar, 2023, markiiba 1-dii Janaayo, 2024. Itoobiya waxay heshiis la saxiixatay maamul goboleed Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, maamulkaas waxay sheegtaan inay ka qo´een Soomaaliya, laakiin weli waxay qayb ka yihiin Soomaaliya.
Taasi xadgudub muuqda oo sharciga caalamiga ah iyo dhammaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Igad.
Lyse: Waxaa la socda Emirates?
Xasan Shiikh: Waa xadgudub muuqda. Waxaa cambaareeyey dhammaan dalal ay ku jirto dowladda Norway. Laakiin Itoobiya ma dhageysanayso taas. Way sii wadaan.
Laakiin dhibaatada ayaa ah sidee baad u aqbali kartaa inay yihiin nabad dhaliyaal ama nabad bixiyeyaal, marka Itoobiya ay leedahay ma aqoonsanni inaad tahay dawlad madaxbanaa(Soomaaliya)? Sidee qof aan ku aqoonsanneyn kaaga caawin karaa nabad dhallin ama heshiis nabadeed?
Tan iyo haddeer, ciidamada Itoobiya oo haysta waajibaadka Midowga Afrika waxay ku sugan yihiin Soomaaliya. Taasi waa hal tusaale oo ah dhib.
Lyse: Oraah baa tiraahda; Adduunkayga oo dagaalo ku dhex-rafanaya!
Xasan Shiikh: Haa, waa dano kala duwan oo leh dhinacyo kala gedisan.Waa tusaale muhiim ah oo aan hayno. Weli waan la macaamilaynaa. Ma niyad xumin. Goor walba waxaan rajeyn in dhibta la xalin doono.
Waxaa jira tiro wanaagsan oo dhexdhexaadiyaasha caalamiga ah iyo hay’adaha ku lug leh dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasi waxay naga rogtay tamar badan oo saaran Soomaaliya. Gacmaheenna waxan ka buuxinay dhisidda dowladnimada, la dagaallanka argagixisada iyo ka soo kabashada El Nino.
Waxaa na haysta dhibaatooyin badan. Hadda waxaan ku toosnay in qayb ka mid ah dalka la jarayo.
Lyse: Waxaan ku joojin doonaa halkaan. Laakiin waxaan rajeyn in joogitaankaaga kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka caawin doono in diirada la saaro mar kale arrimaha Soomaaliya.