Muxuu yahay dhiiggu?
Dhiiggu waa dareere cas oo ku qulqula jirka. Afar qaybood oo waa weyn ayaa loo kala saaraa; plasma, unugyadda dhiigga cas, unugyadda dhiigga cad iyo platelets.
Dhiiggu wuxuu qabtaa howlo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
- U gudbinta oxygen iyo nafaqooyinka sambabadda iyo waxyaalaha ay ka sameysan yihiin unugyadda dhiigga ee loo yaqaan (tissues).
- Sameynta xinjirowga dhiigga oo ka hortaga dhiig-baxa.
- Dhiiggu wuxuu qadaa unugyadda iyo wax lidka jirka ah ee la dagaal cudur fidiyaha(infection).
- Ka safeynta wasakhda kalyaha iyo beerka taas oo nadiifisa dhiigga.
- Isu dheeli tirka kulaylka jirka.
Dhiiggu wuxuu ku qulqulaa xididda halbowlayaasha dhiigga ka qaada wadnaha (arteries) iyo xididdo aad iyo aad u yaryar (capillaries). Cilmiga lagu barto dhiigga (Hematology) wuxuu tilmaamay in isku dhafka dhiiggu yahay plasma 55% iyo 45% oo ah unugyadda dhiigga.
Ma ogtahay: in 8% guud ahaan jirkeenu yahay dhiig. Waxaa lagu qiyaas in jirka raggu ku dhowaad 7 litir oo dhiig ahi ku jiro, halka dumarka lagu qiyaaso in ka badan 5 litir.
Haddba sidee ku helaa dhiig markii la dhiigbaxo
Jirkeennu wuxuu u baahan yahay dhiig, haddii qof uu dhumiyo dhiig badan marku galo shil amase cudur ku dhaco, waxaa loo baahan yahay in si dhaqso leh loogu shubo dhiig laga soo qaaday qof kale. Waana habka loo yaqaan dhiig ku shubidda (blood transfusion).
Dhiig ku shubiddu waxay dhacdaa markii deeq malayiin litir oo dhiig ah laga soo ururiyo dunida oo dhan. Nooca dhiigga deeqda ahi waa inuu la nooc yahay dhiigga lagu shubayo qofka buka ee u baahan si nafta loo tacaalo.
Ma ogtahay in dhiig 470 milliliter uu qofkiiba ku deeqi karo. Waana celceliska boqolkiiba siddeed (8%) xajmiga dhiigga dadka qaangaarka ah. Waa muddo 5 ilaa 10 daqiiqo oo qura si lagu kala soco nooca dhiigga, laguna arki karo in dhiiggaasu uu san laheyn wax cudurro ah.
Dhiigga ragga waxaa ku badan macdanta birta marka loo eego tan dumarka, taasi waxay keentaa in raggu uu dhiig ku deeqi karo 12 toddobaad halka dumarku u baahan yihiin inay 16 toddobaad sugaan dhiig bixinta.
Maanta waxaad arkaysaa in qof uu dhiiggiisa dhigto ama kaydsado haddii ay dhacdo inuu mustaqbalka uu baahdo, si uu uga kaaftoomo inuu dad kale dhiig ka qaato. Noocan dhiig kaydsiga ahi waa markii boqolkii labaatan (20%) ama ka badan oo qofku uu dhiig baxo si looga beddelo xubno jirka ka mid ah iyo qalliinka wadnaha.
Ma ogtahay in nooca dhiigga 0 uu yahay kan ugu sarreeya oo ugu badan habka dhiig ku shubadda.
Noocyadda dhiig ku shubista
Dhiig ku shubistu waxay badanaa ku dhacdaa baahida tayada dhiigga qofka lagu shubayo.
Noocyadda dhiig ku shubista ugu muhiimsan waa unugyadda dhiig cas (red blood cells) iyo platelets- qaybta dhiig ee xinjirooba, plasma-qaybta dhiigga ee dareera iyo guud ahaan dhiigga intiisa kale.
Unugyadda dhiigga cas waa kuwa ugu badan oo kaalin weyn ka qaata siinta hawada oxygen-ta ee jirka..
Marka qofi uu dhumiyo xajmi badan oo dhiig ah haddii uu dhaawacmo amase ay ku dhacdo dhiig yari (anaemia) oo ay keento hoos u dhaca unugyadda dhiigga cas.
Platelets- waa unugyo waaweyn oo ku jira dhiigga oo xinjirooba markii la dhiig baxo. Xinjirahaas waxay kaalin weyn ku yeeshaan ka hortaga dhiigbaxa. Dadka ay ku yar tahay tirada platelet sida bukaan socodka chemotherapy waa kuwa hela noocaan dhiig ku shubista.
Dhiig ku shubista plasma waxa badanaa lagu shubaa dadka qubta iyo kuwa beerka ka jiran. Taasi waxay caadi ka dhigtaa dhiigkarka iyo yarreynta walwalka dadka qubta, iyo dib u buuxinta borotiinka ku jira dhiigga dareera (plasma) ee dadka buka.
Qalabkaan -centrifuge machine, dhiigga u kala sooca unugyadda dhiigga cas, dhiigga xinjirooba iyo dhiigga dareera ee dhuumaha yar yar ku jira.
Waa noocee dhiig kooxeedkaagu?
Unug kasta ee jirka ka mid ah waxaa laga helaa qurub (molecules) loo yaqaan antigens oo u shaqeeya sida nooc aalad-aqoonsi oo kale, una sheegta unugyadda la ka mid ka ah iyo kuwa duulaanka ku ah nidaamka hortaga jirka-(immune system). Marka uu jirku ka war helo unugyadda dibadda weerarka ka soo qaaday waxaa ka hortaga oo yareeya nidaamka ka hortaga jirka.
Dhiiggaagu waxba kama duwan unugyada dhiigga cas ee dadka kale, waxaase kala sooca nooc gaarka ah ee hiddo-sidahooda(genes).Kuwaasi waa wax qaybta weyn ka qaata kala qaybinta noocyadda dhiigga oo kala ah: A,B,AB iyo O.
Waxa kale oo muhiim u ah dhiig ku shubidda in maskaxda lagu hayo jiritaanka protein RH ee unugyadda dhiigga cas. Haddii protein RH uu joogo,qofku wuxuu haystaa nooca dhiigga +( positive blood type), marka loo eego nooca dhiiga –( negative blood type) oo protein RH uusan jirin. Waa caadi badanaa protein RH laga helo dhiigga,haddiise la waayo ma horseedo cudurro.
Nooc kasta ee afarta qaybood ee dhiigga wuxuu noqon karaa positive ama negative.
Guud ahaan waa siddeed qaybaha dhiigga