Geeska Africa waa gobolka muhiim ah halka u dunida kaga yaal oo wuxuu saameyn weyn ku lahaa tartankii u dhexeyn jiray quwadihii waa weynaa intii ii socday dagaalkii qaboobaa.
Waa gobol uu la haray dagaalo, abaaro, rajo xumo iyo dowladdo laga daneysto.
Somalia iyo Itoobiya waa deris aan waligood isku kalsooneyn oo dagaal iyo burbur u dhexeeyo. Dadka ku nool labada dal waa kuwo u nugul in colaad iyo xumo ka dhex kacdo markii ay jiraan xiisado maamul ama kuwo qowmiyado ku salaysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa heysta kalsooni darro xoog leg oo ka jira gudaha dalka oo ku kala qaybsan dhanka siyaasadda, amniga iyo qabaa’ilka. Dhanka Itoobiya sidoo kale waxaa heysta tartanka qomiyaha dalkaas oo dadkiisu xitaa ku kala qaybsan yihiin diinta iyo afafka looga hadlo Itoobiya balse Soomaalidu waa dad isku mid ah oo leh hal af iyo diin qura oo ay uga duwan yihiin qowmiyadaha kale ee dunida siiba kuwa Afrika.
Ma suurtagal baa in Itoobiya iyo Masar ku dhex dagaalaan Soomaaliya?
Waa suurtagal marka loo eego duruufaha maanta ka jira gobolka geeska Afrika.
Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar waa mid aad u qoto dheer wuxuuse salka ku haya biyaha wabiga Niile oo nolosha Masaarudu ku tiirsan tahay siiba dhaqaalaha iyo amniga. Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-kicinta Itoobiya (GERD) wuxuu dhismihiisu socday tan iyo 2011 wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya, Suudaan, iyo Masar.
Gaarista Itoobiya ay deked iyo saldhig ciidan oo Itoobiya ku yeelato badda cas taasoo Masar aysan marna oggolaan doonin in Addis Ababa yareeyso biyaha Niile isla markaana xoog ku yeelato badda cas.
Waa arrin khatar ku leh gobolka oo dhan. Wakhtiga ayaa sheegi doona balse waxay ku xiran tahay in Itoobiya ka noqoto heshiiskii isafgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.
Soomaaliya waxay xor u tahay inay heshiis la gasho dalkasta oo ay u aragto inay saaxiibo la tahay iyadoo la xushmeynayo shuruucda caalamiga iyo kuwa goboleedkaba