BELED WEYN (BEER-LULA)
| SHEEKADA 1970 HEESTA 1973 |
1 | |
Bi’i waa jacaylow Been baan u haystee Boog aan la dhayinoo Beerka iyo wadnaha iyo Inuu yahay bir caashaqu | Boodhari inuu dilay Bi’i waa jacaylow Cidi baanan karinoo Bogga kaaga taalliyoo Been baan u haystee. |
2 | |
Webiga butaacoo Dhulka baadku jiifoo Badarkiyo gelleydii Canabkii bislaadoo Lagu waabariistoo Sow beri samaadkii | Beeraha waraabshoo Dhirta ubaxu buuxoo Laga tuuray baalkoo Bullaaydiyo ciyaaraa Beeluhu gu’ joogaan Beledweyne maan tegin. |
3 | |
Dhanka bari magaalada Biyo dahab la moodoo Bili loo dhammeeyoo Baal gorey la moodoo Bidix midig isgaaroo Bar ku seexanaysoo Huwanaysa baaloo U buseelay maan baran Bishu ay siddeed tahay Isku maanu soo bixin Bidashadeedii buundada Biyo lulata guudkeed | Sow boqorad joogtoo Bilicdii haweenkiyo Timo boqonta joogoo Baarkana casaankii Burcad lagu xiddeeyoo Barkanayso qaaroo Igu beertay hilaashoo Sow goor barqa ahoo Aniga iyo Beer-lula Sow bariidadaydii iyo Ciyaartee Beledweyn ku taallee Badhtankeeda ma ahayn. |
4 | |
Sow bixiso weeyee Berri joog imay oran Layguma bushaarayn bulshadii imay oran; Socod beegsan maayee baxnaansha maan oran Ba’anoo warmoogii | Ballan maannu dhiganoo Sow beyd go’aygii Maantaa la baxayaa Sow waa bestey oo Ina baaji caawoo Sow taliye baasoo Taydii ma beenayn. |
5 | |
Sow badiba kooxdii Baarbuurkii fuuleen Boholyow daraaddii Belo lagu ducaystiyo Biri may xumaatoo Ka wadaa bukoodoo | Goortey badheedheen Anna baal kamaan korin Sow baraqa nugulaantii Baryo kuma maqnaynoo Betroolka daadshoo Bogsan waayo maan oran. |
6 | |
Sow beriga waagiyo Geed baxaad weynoo Beledweyn ku caanoo Biligdheer hirkiisii Bulxankiisa ka yeedhiyo Sow baaxad soorihii maan noqon besteyoo Sow galab boqoolkii Meel baad leh joognoo Sow maan baraarugin Sow baalladaynii Haad baalle mooddoo Isma oran ka boodoo Nin Banaadir joogoo Waxaan ahay la baabee weli baafis maan ahi. | Barqa kulul dhexdoodii Dherer iyo ballaar loo La yidhaahdo Baaroo Ma bidhaansanaynoo Ma maqlaynin baaqii Iyo laba bogleyntii Bacadkii ma dheelliman Annagoo barwaaqiyo Tumanayna beerreey Riya beena weeyee Baabuur la laayoo Fananaaya buurdheer Nafta sow ma biimayn Beledweyn la haystoo Sow baadi doonkee
|
7 | |
Beledweyn Allahayow Beer-lula Allahayow Beledweyn Allahayow Beryo samo ku noolee Beledweyn Allahayow Beer-lula Allahayow Beer-lula Allahayow Beer-lula Allahayow | Ka dhig guri barwaaqee Belaayada hareer mari Ka dhig beerta raaxada Beer-lula Allahayow Ka dhig xera baraareed Ka beri waxyeelada Belaayada hareer mari Beryo samo ku noolee. |