Shir laba maalmood socon doona, oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway iyo Xarunta Wadahadalka Bani’aadamnimada (HD), ayaa Norway ugu socon doona 11-12 juun oo ka qaybgalayaasha jawi qarsoodi ah oo aan rasmi ahayn fikrado isugu dhaafsadaan, una qiimeeyaan isbeddeladda ku saabsan khilaafaadka hubeysan, iyo in ay sahamiyaan habab cusub oo lagu xallin karo.
“Diblomaasiyadda nabadda iyo wadahadalku waa maalgashi yar marka la barbar dhigo ddhibaatooyinka bani’aadamnimada iyo dhaqaalaha ee dagaalka. Oslo Forum waxay siinayaan fursad dhinacyada iyo xubnaha kale ee ay quseyso inay kawada hadlaan arrimaha adag oo ay diiradda saaraan xalalka,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Espen Barth Eide.
Waxaa ka mid ah ka qaybgalayaasha heer sare ee soo xaadiray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Urdun, Ayman Safadi; Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee Moldova, Oleg Serebrian; Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farhan Al-Saud; Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Indonesia, Retno Marsudi; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mohammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Noura Al Kaabi; iyo Wakiilka Sare ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk.
Doodaha waxay diiradda saari doonaan horumarka diblomaasiyadeed ee goobaha muhiimka ah ee juqraafiyeed waxaana lagu falanqeyn doonaa khilaafaadka socda ee Gaza, Ukraine, Sudan, Myanmar, iyo goobaha kale ee dagaalka.
Ajendaha waxaa ku jira kalfadhiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa xabbad joojin waarta, wax ka qabashada khilaafaadka badda, iyo la dagaallanka rabshadaha baahsan ee ay la xiriiraan ururrada dembiilayaasha.
“Markii adduunku noqdo mid aad u kacsan, diblomaasiyad iyo xallinta khilaafaadka waxay noqdaan kuwo aad muhiim u ah. Danaha qof walba ayaa ah in la joojiyo dagaalada, in la hagaajiyo marin u helka bani’aadamnimada, iyo in lagu biiriyo xalal siyaasadeed oo waara. Taasi waa sababta Oslo Forum sanadkan ay uga muhiimsan tahay weligeed,” ayuu yiri Eide, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway
Doodaha albaabada u xiran ee ku hoos jira aqalka Chatham House ee aan la sheegin oo ay ka qaybgalayaashu si furan uga hadlaan oo ay soo bandhigaan fikradaha xalalka waara ee khilaafaadka socda.